Waxa ay aheyd xaflad la yaab leh oo la shaaciyay laba saac un ka hor inta aanan la qaban, islamarkaana laga soo hormariyay todobaad waqtigii markii hore loogu talagalay in la qabto.

Pierre Nkurunziza ayaa loo dhaariyay xilka markii saddexaad, waxaana lasiiyay maamuuska ugu weyn qaranka Burundi.

Ma jiro madaxweyne shisheeye oo ka qeyb galay xafladda.Hasayeeshee, dowladda Burundi ayaa sheegtay in dhowr dal ay ka cudur daarteen in aanay wufuud u soo dirin dalkaasi, si ay uga qeyb galaan xafladda maadaama la badalay taariikhdii loo ballansanaa.

Xaaladda ayaanan weli degin, kaddib doorashadii muranka badan dhalisay ee bishii la soo dhaafay, taas oo Midowga Afrika iyo Midowga Yurubba ay ku tilmaameen in aaanay xor iyo cadaaladba ahayn.

Laba sarkaal oo sare oo ka tirsanaa dowladda iyo howlwadeeno kale ayaa lagu dilay dhacdooyin kala gadisan bishan gudaheeda.

Arrintaasi ayaa sare u qaadday walaaca laga qabo in weerrarada aargoosiga ah ay ku sii bataan dalka.

Khudbad uu jeediyay madaxweyne Nkurunziza ayaa waxa uu ballan ku qaaday, in uu ku soo afjari doono qalalaasaha dalka ka taagan muddo laba bilood gudahood ah.

Recommend to friends
  • gplus
  • pinterest

Leave a comment