Dowlada kenya oo balan qaaday Inay Ka Shaqeynayso Sidii ay uSii Jiri Lahayd Nabadda countiga Marsabit.

MARSABIT-LEADERS-KAPARO

 

Dowlada countiga marsabit iyo tan dhexe ayaa balan qaaday inay gacan ka gaysan doonaan wada noolaanshaha bulshooyinka kala duwan ee ku nool countigaasi.

Xaaladaha amaanka ee countiga Marsabid ayaa waayahan kasoo raynaayay.

Agaasimaha countiga Marsabid ee gudiga wadajirka iyo is dhexgalka bulshada, Joseph Mirchigan, ayaa sheegay in dowladuhu ay la shaqeeyn doonaan hogaamiyayaasha si nabada loo sugo.

mr joseph ayaa sheegay in qeybaha kale ay ka shaqeeyn doonaan sidii looga hadli lahaa qabyaaladda, burcadda iyo xoolaha la kala dhaco.

Mr Joseph, oo kahadlayay kulan kadhacay magaalada Marsabit, ayaa waxaa uu sheegay inay tahay hadal qaabka kaliya ee lagu hormarin karo dhaqaalaha iyo nabada.

Dhibaatooyinka kadhaca Marsabit ayaa inta badan waxaa ay u dhaxeeyaan dadka xoola dhaqatada deegaanka wada dagan.

Recommend to friends
  • gplus
  • pinterest

Leave a comment