uhuru oo la kulmay Jakaya Kikwete.

Madaxweynaha dalka mudane uhuru kenyatta ayaa maanta ku qaabilay xarunta madaxtooyada magaalada nairobi ee caasimada dalka madaxweynaha tanzania dnuhuru0510e
Hogaamiyaha dalka tanzania ayaa waxaa salaan sharaf uu ka qaatay 21 askari oo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee dalka iyadoo ay rasaas soo dhaweyn ah ay hawada sare u rideen,waxaa sidoo kale halkaasi laga qaaday heesta calanka ee dalka tanzania.
Mr Kikwete iyo mr kenyatta ayaa wada hadalo yeelan doona inta uu ku sugan yahay dalka iyadoo la isla soo qaadi doono xiriirka labada dowladood iyo ganacsiga u dhaxeeya labada dhinac.
Shaley ayey aheyd markii madaxweynaha dalka tanzani uu booqasho rasmi ah oo qaadan donta sadex maalmood ay uga bilaabatay dalka waxaa uuna horay u soo maray degaanada gobolka xeebta dalka gaar ahaan countiga taita taveta.
Labada hogaamiye ayaa si wada ji ah u furay dhismaha wado tareen ah oo isku xiri doonta dalalka tanzania iyo kenya taasi oo dhirirkeedu dhanyahay 90-kiilo mitir waxaana la filayaa in ay wax weyn ka qabato safarada la iskaga kala goosho labada dhinac.
Dalalka kenya iyo tanzania ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah iyadoo mudooyinkii danbe ay labada hogaamiye iyo mas,uuliyiin ka tirsan labada dowladood ay safaro uu ku gaarayeen labada dal.

Recommend to friends
  • gplus
  • pinterest

Leave a comment