madaxweyne uhuru kenyatta oo ugu baaqay malgashadayaasha rer ndia inay malgashi kusameystan dalka.

dnuhuru0510emadaxweynaha dalka uhuru kenyatta oo kusugan dalka ndia halkaasoo uu uga qayb galaayo shir looga hadlaayo ganacsiga ayaa wuxuu ugu baaqay maashgashadayaasha kasoo jeeda dalka ndia inay maalgashadaan dalkani kenya.

madaxweyne uhuru kenyatta ayaa sheegay in dawlada dalka ay leedahay qaabab fududeeya dhanka ganacsiga iyo nidaam lagu sahlaayo ganacsiga dalka.

madaxweynaha dalka uhuru kenyatta ayaa khudbad ka jeediyay shalay magaalada New Delhi ee caasimada dalka ndia halkaasoo uu ka socday shirka ganacsiga waxaana shirka ka qayb galaayay hey,adaha dhanka warshadaha ee dalka ndia iyo waaxda dalkani kenya uqaabilsan rugta ganacsiga iyo warshadaha.

madaxweynaha dalka uhuru kenyatta ayaa xusay inta uu socday shirkan qaaska ah ee loga hadlaayay dhanka ganacsiga inay jiraan sharciyo iyo  kor uqaadida wax soo saarka dalkani kenya.
madaxweyne uhuru ayaaa sheegay inay isla meel dhigeen sharci u ogolaanaaya waaxda wax soo saarka dalka inay wax soo saarkooda ku fidiyaan gudaha dalka iyo suuqyada caalamka.

sidookale madaxweyne uhuru kenyatta ayaa tilmaamay inay jiraan fursado kala duwan taasoo usahleeysa maalgashadayaasha reer ndia inay si fudud hawlahooda ganacsi uga fushan karaan gudaha dalka asagoo tilmaamay in kenya ay leedahay xirfado shaqo oo wanagsan.

ugu dambeeyntii madaxweyne kuxigeenka dalka ndia oo asna madashada shirka kusugnaa ayaa kadhawaajiyay in dalkani kenya uu horumar kasameeyay dhanka ganacsiga soona jiitay ganacsato reer ndia ah.

Recommend to friends
  • gplus
  • pinterest

Leave a comment