Ardayada dhigata fasalka sideedaad oo maalinkii labaad u fadhiya imtaxaanka qaran ee dalka

u2

Ardayda dhigata fasalka sideedaad ee dugsiga hoose ayaa maalintii labaad waxaa ay ku gudo jiraan imtaxaanka qaran ee dalka iyadoo guud ahaan ay dalka si isku wada mid ah uu uga socdo.
Imtxaanka sanadaan ayaa waxaa horey u hareeyay buuq fara badan gaar ardaydii dhameysay dugsiga sare fasalka afaraad oo todobaadkii hore soo amrayay imtaxanka kama danbeysta ahaa.
Gudiga qaran ee imtaxanaadka ee loo yaqaan Knec ayaa sarakiil ka tirsan waxaa ay goob joog ka yihiin iskuulada ay ka socdaan imtaxanaadka si ay xakameyaan falalka qishka ah oo ay horay uga digeen.
Waxaa sidoo kale indha indheyaal ka socda gudiga ay ku sugan yihiin iskuulada sida gaarka ah loo leeyahay oo qeyb ka ah imtaxanaaka fasalka sideedaad.
Goobaha uu imtxaanka sida habsamida leh uga socdo ayaa waxaa ka mid ah degaanada ku yaal gobolkani waqooyi bari gaar ahaan gudaha magaaladani gaarisa.
Madaxa aqlabiyada golaha barlamaanka dalka ahna mudanaha laga soo doorto degmadani gaarisa ayaa horay fariimo dhiiri gelin ah waxaa uu u jeediyay ardada sameyneysa imtaxaanka ee ku nool gudaha magalada garisa.

Recommend to friends
  • gplus
  • pinterest

Leave a comment