Afar xildhibaan oo ku baaqay in wax laga qabto xatooyada lagu hayo koofiiga ama qaxwaha ay soo saaraan warshadaha countiga nyeri

kirafar xildhibaan oo kasoo jeeda countiga nyeri ayaa ku eedeeyay booliska degaankaasi kor usii kaca dhaca iyo xaditaanka lagu hayo koofiiga.

xildhibaanadan ayaa sheegay in la jabsaday warshadaha soo saara koofiiga kuwaasoo udhaw xarunta booliska iyadoo sarakiisha booliskana aysan waxba ka qabanin arintan.

illaa 350 baag oo koofii ah ayaa laga dhacay warshadaha soo saara koofiiga bil gudaheed.

xildhibaanadan ayaa sidookale ku eedeeyay wasiirka arimaha gudaha dalka joseph nkaisery iyo isbatooraha ee booliska dalka joseph boinet inaysan waxba ka qabanin xatooyada lagu hayo koofiiga lagasoo saaro countiga nyeri.

si kastaba ha ahaate wasiirka arimaha gudaha iyo taliyaha guud ee booliska ayaa horey ubalan qaaday inay arintan wax ka qaban doonaan.

xildhibaanka degaanka mathira peter weru ayaa sheegay in xatooyada lagu hayo koofiiga ay ku lug leeyihiin dad layaqaano oo caan ah.

sidookale xildhibaanka countiga nyeri esther murugi ayaa tilmaamay inuu layaabanyahay sababta loo qaban laayaahay gawaarida xamuulka ah ee lagu raro koofiiga marka la dhacaayo.

xildhibaanadda degaanka othaya ayaa kacodsatay booliska inay kala furfuraan kooxaha ku lugta leh xatooyada qaxwaha si loo yareeyo dhaca lagu hayo koofiiga.

Recommend to friends
  • gplus
  • pinterest

Leave a comment