madaxweynaha dalka uhur kenyatta oo ka dagay dalka jabuuti.

uhuruMadaxweynaha dalka mudane uhuru kenyatta ayaa kadagay caasimada djibouti ee dalka djbouti si uu uga qayb galo shir looga hadlaayo arimaha somalia.

madaxweyne uhuru kenyatta ayaa saaka sideedii subaxnimo ka duulay gagada diyaaradaha ee caasimada nairobi ee jommo kenyatta si uu uga qayb galo shirka wadamada ciidamadooda ay joogaan somalia ee qaybta ka ah hawlgalka amisom.

shirkan ayaa ujeedadiisu tahay si dib u eegis loogu sameeyo hawlgalka amisom  ee somalia iyo sidii ay ula shaqeeynlahaayeen ciimada xooga dalka somalia.

shirkan ayaa waxaa kasii horeeyay shir loogu gogol xaaraayey kan madaxda oo illa sabtidii socday kaasi oo lahayeen wasiirda wadamada ciidamada ay ka joogaan somalia.

Ergayga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo madaxa amisom ambassador Francisco madeira ayaa iyaguna ka qayb galaaya shirkan ugu furmay caasimada djibouti madaxda wadamada ciidamada ay ka joogaan somalia.

ergooyinka shirkan ka qayb galaaya aya waxaa kamid ah masuuliyiin ka socda dawlada federalka somalia iyo qaramada midoobeey.

si kastana ha haate shirkan uu madaxweyne uhuru kenyatta uu ka qayb galaayo ayaa waxaa intiisa badan looga hadli doona hawlgalka amisom ee somalia iyo sidii dib u eegis loogu sameeynalahaa.

Recommend to friends
  • gplus
  • pinterest

Leave a comment