Hareeraha wadooyinka gudaha magaladatan oo lagu ganacso ee keentay saxmad fara badan.

garissaHareeraha wadooyinka gudaha magaaladatan garissa ayaa meelaha qaarkood waxaa kajira saxmad fara badan taasoo ay sabab utahay dadka ku ganacsada hareeraaha wadooyinka iyo gawaarida oo aad ugusoo badanaaya gudaha magaaladatan garissa.

marka aad milicsato wadooyinka faras magaalaha ah ayaa waxay indhahaagu qabanaayan dad dumar ubadan kuwaasi oo nolol maalmeelkooda kaga raadiya ku ganacsiga hareeraha wadooyinka inkastoo ay jireen goobo dawlada countigani garissa ay horey oogu dhistay si dadka ay uga kaaftoomaan ku ganacsiga hareeraha wadooyinka

dadka iyagu ku ganacsda hareeraha wadooyinka ayaa marka aad la sheekeysato waxay kuu sheegayaan inay la qabsadeen ku ganacsiga hareeraha wadooyinka aysana diyaar u aheeyn inay meelo kale uga guuraan.

inkastoo cimiladu ay aad ukululyihiin qorraxduna ay tahay mid aad ukulul ayaa hadana dadka wadooyinka ku ganacsada waxay isticmaalaan waxyaabo ay uga gaashaantaan kuleeylka cadceeda.

sidookale gawaarida oo kusoo badanaaya gudaha magaaladatan garissa ayaa dadka khubarada ah ee wax saadaaliya waxay sheegayaan in 2020 marka la gaaro garissa meel gawaarida laga maro la waayi doono.

si kastaba ha ahaatee wadooyinka qaarkood ee gudaha magaaladatan garissa ayaa laga dareemayaa saxmada ay sababayaan dadka ku ganacsada wadooyinka hareerahooda iyo gaawarida oo kusoo badanaaya magaalada.

Recommend to friends
  • gplus
  • pinterest

Leave a comment