Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo kulmay

mmmMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah magaalada Djibouti kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyn ayaa kulankooda kaga wadahadley xaaladda amniga gobolka, la dagaalanka argagixisada, iskaashiga labada dal iyo xoojinta iskaashiga ciidammada Soomaaliya iyo kuwa Nabad Ilaainta Midowga Afrika ee AMISOM.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhiggiisa Djibouti, Mudane Geelle uga mahad celiyay doorka Djibouti ay ku leedahay xasilinta iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Madaxweyne Geelle ayaa dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso, dalkiisuna uu mar walba garab taagan yahay walaalahooda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa magaalada Djibouti uga qeybgalaya Shir Madaxeed ay isugu imaanayaan dalalka ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya ee hoos yimaada hawlgalka AMISOM.

Recommend to friends
  • gplus
  • pinterest

Leave a comment