Madaxweyne Uhuru  oo loogu baaqay inuu xaliyo mushkiladaha dhinaca dhulka

Raysul wasaarihii hore ee dalka ahna hogaamiyaha isbahaysiga mucaaradka ah ee CORD Raila Odinga ayaa ugu baaqay madaxweyne Uhuru Kenyatta in uu xal u helo dhibaatooyinka xaga dhulka ee ka jira qeybo ka mid ah dalka. Mr Odinga ayaa ka dalbaday dowladda dhexe in ay sharciyada aqoonsiga dhulka ee loo yaqaanno Sabarloogada siiso dadka kasoo jeeda qoomiyadda Masaai­da ee ku dhaqan galbeedka Countiga Kajiado. Raila ayaa sheegay in tan iyo markii uu dalka xoriyadda qaatay aan si cadaalad ah dadkaaasi loo siinin dhulka ay xaqa u leeyihiin si ay guryo uga sameystaan. Arrintaan ayuu ku tilmaamay mid aan marnaba la aqbali Karin oo mudan in si dhaqso xal waara loogu helo. 4/29/2016 Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo loogu baaqayinuu xaliyo mushkiladaha dhinaca dhulka | StarFM Kenya http://www.starfm.co.ke/madaxweyne­uhuru­kenyatta­oo­loogu­baaqay­inuu­xaliyo­mushkiladaha­dhinaca­dhulka/ 2/2 Hadalkaan ayuu hogaamiyaha mucaaradka ka sheegay munaasabad aas ah oo loo sameynayay meydka wakiilkii golaha deegaanka u matali jiray deegaanka Mosiro Peter Kurrinyo oo dhawaan geeriyooday. Mr Odinga Waxaa xiligaas wehlinayay Gavanaha Countiga Kajiado David Nkedianye iyo hogaamiyeyaal kale oo dhowr ah oo laga soo doortay Countigaasi. Dhawaaqan ayaa kusoo aaday xili ay dadka shacabka ah ee ku dhaqan aagaasi cabasho ka muujinayeen mushkiladda ku saabsan in aysan heysanin dhul ku filan, iyagoo marar bandanna dowladda ka codsaday in ay dhul siis

raila

Recommend to friends
  • gplus
  • pinterest

Leave a comment